REKLAM

Somaliland i Uppsala

Våren 2009 Läxläsning Lördagar kl 13-16 Körkortsteori Lördagar kl 16.15-17.45 Muffinsklubben,Lördagar kl 17-20 barn och ungdomar. Danskickoff 14/2. En lördageftermiddag då vi provar olika danser. Line dance, bugg och foxtrott. Finns intresse startar vi grupper efter dagen. Anmälan till hakanwester@bredband.net

Diverse

XML Feeds

Vad är RSS?

Vem är Online?

  • Guest Users: 1

powered by
b2evolution


Siduu uga dhacay Dalka SwedenDabaaldagii 18 guuradii maalinta qaranimada S-Land

Siduu uga dhacay Dalka SwedenDabaaldagii 18 guuradii maalinta qaranimada S-Land

Goobaha sida gaarka looga dabaaldagay waxa ka mid ahaa Göteborg oo ah caasimada labaad ee dalka sweden, Malmo, Jönkoping iyo (Sawiro)

Sida ay bulshada Somaliland ugu dabaaldagaan maalmaha qiimaha gaarkaa u leh , siiba maalinta qaranimada S-Land ee 18may, waxa u caada dhamaan qurba joogta S-Land in ay xaflado iyo isku soo bax ku muujiyaan dareenkooda ku aadan qaranimada dalkooda, taas oo ay si wada jira ugu dabaaldagaan maalinta qiimaha gaarkaa ku leh dalkeena.
Sanadkan Waxa dalka Sweden gobaladiisa badankood ka dhacay xaflado waaweny oo lagu xusayay maalinta qaranimada Somaliland. Sanadkana waxa looga dabaaldagay si aad iyo aad ugu balaadhan sidii sanadadii ka horeeyay loogu dabaaldagi jiray.

Goobaha sida gaarka looga dabaaldagay waxa ka mid ahaa Göteborg oo ah caasimada labaad ee dalak sweden, Malmo, Jönkoping iyo Xaflad aan abid mid lamidii hore uga dhicin dalka Sweden oo Lagu qabtay Caasimada Stockholm.
Waxa iyaguna nagala qaybqaatay xaflada xisbiyada talada dalka haya badankood iyo kuwa mucaaridkaaba oo ka jeediyay sida ay u barbartaagan yihiin jiritaanka iyo demokradiyada dalka Sweden.

Sadexda xisbi qaran ee Udub, Kulmiye iyo Ucid ayaa iyaguna dood ku saabsan waxqabadkooda iyo mabaadiidooda kaga jawaabay suáalo. Waxa intaa dheer iyadoo ka sokow qurba joogta S-land ay goobta xaflada ku sugnaayeen shacbi aad ubadan oo soomaliyeed oo goobta ku sugnaa ruxayayna calamada iyo astaamaha qaranka S-land.
Waxa iyana goobta xaflada lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka dalkeenu kucaanka yahay taas oo daahfur fiican u noqotay barashada dhaqankeena iyo caadooyinka inoo gaarka.
Iskusoo wada duuboo dabaaldaga 18may ee 2009 ayaanoqday kii ugu muga waynaa ee abid ka dhaca dalka Sweden. Sababna ay u ahayd wada shaqaynta iyo iksu duubnida dhamaan qurba joogta S-Land ee Sweden.
Haday noqon lahayd Jaaliyadaha, Xisbiyada, haweenka, dhalinyarada iyo wax garadka.
Maamulka dalada guud ee Jaaliyadaha Sweden waxa ay dhamaan Shacbiweynaha S-Land u hambalyaynayaa munaasbada 18may. Waxa aanu sigaara ugu hambalyaynaynaa wadaniyiinta sida gaarkaa ugu tafa xaydan wanaaga iyo jiritaanka dalkeena. Daladu waxa ay sigaara ugu hambalyaynaysaa
Gudoomiyaha Dalada jaaliyadaha Haweenka ee Sweden Marwo Faadumo Nor ” Raaho”
Gudoomiya Jaaliyada Stockholm Cismaan ,Mahamed Ismail ” Mohamed Dheere” Fozi siid
Abdirisaq Said , Jaamac Abdi.
Tv Somaliland Europa gar ahaan Abdikariim dalmar iyo Ali Sujuu. Godoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Stockholm Hassan saleeban, Xoghaya Udub Sitiin nuux, Gudoomiye kuxigeenka Xisbiga Ucid Abdirahmaan Said. Wakiilka Sweden caydruus SH Adan Iyo Qunsulka Sweden ahna gudoomiyaha kuxigeenka dalada Jaaliyadaha Husseen Wadaadyare. Xoghayaha Dalada Jaaliyadaha Mustafe Ismail Iyo dhamaan intiina kale ee sida tooska iyo sida dadbanba uga qaybqaatay .

Allaa Mahad Leh.

Permalink 10:35:25, av ahmed, 409 ord, 247 views   Swedish (SE)
Kategorier: Projektet Flexibelt Lärandet

Kommentarer, Pingbacks:

Inga Kommentarer/Pingbacks på denna post ännu...

Kommentera:

Din e-post-adress kommer inte att visas på denna webbplats.
Din URL kommer att visas.

Tillåtna XHTML-taggar: <p, ul, ol, li, dl, dt, dd, address, blockquote, ins, del, span, bdo, br, em, strong, dfn, code, samp, kdb, var, cite, abbr, acronym, q, sub, sup, tt, i, b, big, small>
(Radbrytningar blir <br>)
(Set cookies for name, email and url)
(Allow users to contact you through a message form (your email will NOT be displayed.))