Våren 2009 Läxläsning Lördagar kl 13-16 Körkortsteori Lördagar kl 16.15-17.45 Muffinsklubben,Lördagar kl 17-20 barn och ungdomar. Danskickoff 14/2. En lördageftermiddag då vi provar olika danser. Line dance, bugg och foxtrott. Finns intresse startar vi grupper efter dagen. Anmälan till hakanwester@bredband.net

Kulanku waxa uu maalintii Jimcaha ee 19/03/2009 ka bilaabmay Wiks Slott ee duleedka magaalada Uppsala ee Dalka Sweden. Kulankaa waxa ka soo qeyb galay jaaliyadaha wadamada Sweden, Holand, Danmark, Norway, UK, France, Finland , Kenya iyo Ururka Qoraaga Somaliland. Waxa kale oo marti sharaf ahaan lagu soo casuumay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdillaahi Cali Ibraahim oo xilligaas ku sugnaa dalka Sweden iyo Madax iyo Hay’ado ka socda dawladda Sweden.
Shirkaas waxa furay Guddoomiyaha Dalladda Jaaliyadda Somaliland ee Sweden Sekeriya Wacays, waxana daaddihinayey Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Uppsala, Håkan Wester, oo sheegay in uu ku faraxsan yahay shirka lagu qabtay magaalada Uppsala, waxanu ka sheekeeyey taariikhda qasriga Wik Slott iyo magaaladaba
Dhammaadkii shirka waxa ka soo baxay oo la isku raacay goàamo muhiim ah oo ku salaysan waxyaalihii laga wada hadlay oo ay ka mid ahaayeen:
In la xoojiyo tayada waxqabad iyo isku xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland In la soo saaro baaq iyo talo bixin ku waajahan xaaladda dalkii hooyo In la xoojiyo ahaanshaha Somalilandnimada iyo ku qancinta qaddiyadda Somaliland dadyowga waddamada qurba-joogtu ku dhaqan tahay In jaaliyaduhu hormuud ka noqdaan oo hagaan hayàdaha samafalka ee xiiseeya horumarinta waddanka iyo helitaanka mashaariic cusub oo horumarineed oo ku salaysan baahida dadka iyo dalka Waxa kale oo la isku raacay guddidii hawsha sii wadi lahayd labada sannadood ee soo socda, taas oo guddoomiye loo doortay mar labaad Cabdiraxmaan cabdillaahi Jibriil (Awliyo)
Isla goobtaas waxa Ururka Qoraaga Somaliland ku soo bandhigeen carwo buugaaneed oo ballaadhan, halkaas oo qoraagii iyo hal-abuurkii joogey ku falanqeeyeen nuxurka buugaagtooda iyo suugaanta Soomaalida.
Ururka Qoraaga Somaliland waxa kale oo uu soo bandhigay qiimayntii buugaagta ee sannadkii 2008, halkaas oo ay ku soo kaga war-bixiyeen qiimayntii saddex buug oo horseed u ahaa buugaagtii sannadkaas oo kala ahaa:
Futuux Al-xabash oo ay turjumeen Maxamed Cabdillaahi Riiraash iyo Adan Beleloo
B arbaarsame oo uu qoray Cabdi Xasan Madar
Hal Aan Tebayey oo Maxamed Baashe X. Xasan ka qoray taariikhdii iyo gabayadii Xaaji Aadan Af-qallooc
Guddidii qoraaga ee qiimaynta buugaagtu, waxa ay kaalinta koowaad ee sannadka 2008 u aqoonsadeen buugga Hal Aan Tebayey ee uu qoray qoraaga da`da yar ee miisaanka leh
Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo goobtii shirka ku guddoomay Shahaadada Kaalinta Koowaad.
Waxa kaalinta labaad galay buuga Barbaarsame iyadoo uu kaalinta sadexaad yimi buuga Fatuux Al-xabash.
Jawigu shirku waxa uu ku soo gababoobey is-faham iyo kalsooni yididiilo huwan, taas oo kulanka dambe ee ururka kulmiya Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE) ay marti gelisay jaaliyadda Faransiika ee Somaliland. Waxaana shirka xidhay guddoomiyaha Dalladda FGuud ee Jaaliyadda Somaliland ee Sweden Sekeriya Xasan Wacays.
Allaa Mahad Leh
Dalladda Guud ee Jaaliyadda Somaliland ee Sweden
Guddoomiye Sekeriye Xasan Wacays

Inga Kommentarer/Pingbacks på denna post ännu...
This post has 1 feedback awaiting moderation...