Våren 2009 Läxläsning Lördagar kl 13-16 Körkortsteori Lördagar kl 16.15-17.45 Muffinsklubben,Lördagar kl 17-20 barn och ungdomar. Danskickoff 14/2. En lördageftermiddag då vi provar olika danser. Line dance, bugg och foxtrott. Finns intresse startar vi grupper efter dagen. Anmälan till hakanwester@bredband.net

Kulanku waxa uu maalintii Jimcaha ee 19/03/2009 ka bilaabmay Wiks Slott ee duleedka magaalada Uppsala ee Dalka Sweden. Kulankaa waxa ka soo qeyb galay jaaliyadaha wadamada Sweden, Holand, Danmark, Norway, UK, France, Finland , Kenya iyo Ururka Qoraaga Somaliland. Waxa kale oo marti sharaf ahaan lagu soo casuumay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdillaahi Cali Ibraahim oo xilligaas ku sugnaa dalka Sweden iyo Madax iyo Hay’ado ka socda dawladda Sweden.
Shirkaas waxa furay Guddoomiyaha Dalladda Jaaliyadda Somaliland ee Sweden Sekeriya Wacays, waxana daaddihinayey Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Uppsala, Håkan Wester, oo sheegay in uu ku faraxsan yahay shirka lagu qabtay magaalada Uppsala, waxanu ka sheekeeyey taariikhda qasriga Wik Slott iyo magaaladaba
Dhammaadkii shirka waxa ka soo baxay oo la isku raacay goàamo muhiim ah oo ku salaysan waxyaalihii laga wada hadlay oo ay ka mid ahaayeen:
In la xoojiyo tayada waxqabad iyo isku xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland In la soo saaro baaq iyo talo bixin ku waajahan xaaladda dalkii hooyo In la xoojiyo ahaanshaha Somalilandnimada iyo ku qancinta qaddiyadda Somaliland dadyowga waddamada qurba-joogtu ku dhaqan tahay In jaaliyaduhu hormuud ka noqdaan oo hagaan hayàdaha samafalka ee xiiseeya horumarinta waddanka iyo helitaanka mashaariic cusub oo horumarineed oo ku salaysan baahida dadka iyo dalka Waxa kale oo la isku raacay guddidii hawsha sii wadi lahayd labada sannadood ee soo socda, taas oo guddoomiye loo doortay mar labaad Cabdiraxmaan cabdillaahi Jibriil (Awliyo)
Isla goobtaas waxa Ururka Qoraaga Somaliland ku soo bandhigeen carwo buugaaneed oo ballaadhan, halkaas oo qoraagii iyo hal-abuurkii joogey ku falanqeeyeen nuxurka buugaagtooda iyo suugaanta Soomaalida.
Ururka Qoraaga Somaliland waxa kale oo uu soo bandhigay qiimayntii buugaagta ee sannadkii 2008, halkaas oo ay ku soo kaga war-bixiyeen qiimayntii saddex buug oo horseed u ahaa buugaagtii sannadkaas oo kala ahaa:
Futuux Al-xabash oo ay turjumeen Maxamed Cabdillaahi Riiraash iyo Adan Beleloo
B arbaarsame oo uu qoray Cabdi Xasan Madar
Hal Aan Tebayey oo Maxamed Baashe X. Xasan ka qoray taariikhdii iyo gabayadii Xaaji Aadan Af-qallooc
Guddidii qoraaga ee qiimaynta buugaagtu, waxa ay kaalinta koowaad ee sannadka 2008 u aqoonsadeen buugga Hal Aan Tebayey ee uu qoray qoraaga da`da yar ee miisaanka leh
Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo goobtii shirka ku guddoomay Shahaadada Kaalinta Koowaad.
Waxa kaalinta labaad galay buuga Barbaarsame iyadoo uu kaalinta sadexaad yimi buuga Fatuux Al-xabash.
Jawigu shirku waxa uu ku soo gababoobey is-faham iyo kalsooni yididiilo huwan, taas oo kulanka dambe ee ururka kulmiya Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE) ay marti gelisay jaaliyadda Faransiika ee Somaliland. Waxaana shirka xidhay guddoomiyaha Dalladda FGuud ee Jaaliyadda Somaliland ee Sweden Sekeriya Xasan Wacays.
Allaa Mahad Leh
Dalladda Guud ee Jaaliyadda Somaliland ee Sweden
Guddoomiye Sekeriye Xasan Wacays


Jaaliayada guud ee jaaliyadaha Somaliland ee Sweden waxay sanadkan marti galinaysaa oo ay qabanaysaa shir weynaha jaaliyadaha Somaliland ee qaarada Yurub SSE (Somaliland Socities in Europe) kaas oo sanad walba dal lagu qabto waxaana sanadkan hawshaa dhabarka u ritay Jaaliyadda Sweden. Shirku waxa uu sharaf iyo faa’iido u yeelan doona jaaliyadda Somaliland ee Sweden. Shirkaa waxa lagaga hadli doonaa laguna soo qaadi doonaa arimaha ay ka mid yihiin qurba jooga iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dhismaha wadankii, xaalada jaaliyada Somaliland ee qurbaha ee dhinacyada shaqooyinka, waxbarshada, ka mid naqoshada bulshada ay la nool yihiin iyo ka faa’iideysigooda. Xaalada imika ee Somaliland ee dhinaca doorashooyinka, maamul wanaaga, tayaynta dawladnimada, xaaladaha inagaga imanaya wadamada jaarka……….
Shirkaa waxa ka soo qeyb gali doona jaaliyadaha wadamada Sweden, Danmark, Norway, Ingiriiska, Hooland, Biljim, Farnsiiska, Jarmalka, Fiinland……………
Malinta Jimcaha waxa lagu furayaa kulaan caalamiya oo ka qaybqaadan doonan madac sare oo matalaya dawlada iyo hayadaha deeqda bixiya ee dalkan Sweden. Waxa iyaguna ggob joog ka noqonaya saxaafada madaxa banaaan.
Hadaanu hanay qaban qaabiyaasha shirkan gaar ahaan Gudoomiyaha dalada MR Zakarie H Waes iyo wakiilka S-Land ee sweden Mr Eidarus Sh Adan ku soo dhawaada gacmafuran. Idinkuna boorinaynaa in aad ka faaiidaysataan fursadan qaaliga.
Shirkaas waxa lagu qaban doonaa:
Wiks slot
Uppsala
Sweden
Maalmaha Jimcaha-Axadda 20-22-03-2009
Alla Mahad leh.
Zakarie H Waes

SSE Conference & Annual General Meeting
Promoting Community Cohesion, and Active Citizenship
& Preventing Extremism
20th - 22nd March 2009
Wiks Slott
Uppsala
Sweden
It gives us a great pleasure to invite you to a unique dual Conference and Annual General Meeting to be held at:
Wiks Slott, Uppsala, Sweden between 20th and 22nd March 2009.
Somaliland Societies in Europe(SSE) Annual General Meeting. In cooperation with our host organisation Somaliland National Association in Sweden we are planning to hold a Conference to discuss the current political developments in Somaliland and the role of the Diaspora organisations. Concurrently, we are planning to convene SSE’s Annual General Meeting.
We would be grateful if you could pencil the date into your diaries and look forward to seeing you at the event. The agenda and other information about the event will follow shortly.
Objectives of the event are:
To raise the profile of Somaliland Communities in Europe.
To raise the profile of Somaliland identity and the distinction between Somaliland & Somalia.
To discuss Somaliland achievements to date and the challenges ahead.
To support and promote links and partnership between Somaliland communities and organisations in the EU host countries.
To review the role Somaliland Diaspora plays and could play in the development of Somaliland and in the EU host communities.
To present SSE’s performance over the past year, review current activities and structure of the organisation and finally
To elect new committee members.
The first and second day of the conference will provide a platform for exchange of relevant experience in selected areas including:
Somaliland organisations in EU countries and how their partnership with host countries is working regarding community cohesion, gender and other interrelated issues. The conference programme will focus on examples of good practice in integration and community-cohesion, hearing from the experiences of different Somaliland communities in EU countries e.g. UK, Scandinavian countries, Holland, Germany, Italy, Belgium, Norway etc.
Discuss Somaliland in perspective and upcoming presidential election and the Process of Democracy and Good Government and Challenges Ahead
Discuss SSE organisations’ capacities, activities, networking and their potential contribution to Somaliland Diaspora in Europe as well Somaliland Development.
Discuss and identify ways to improve joined- up and partnership working of the Somaliland organisations in Europe and enhancing their performance.
Discuss ways in which Somaliland organisations play an active role to help establish strong Somaliland community in Europe.
Discuss how best Somaliland organisations can build a bridge between these people and their country of origin (Somaliland).
Making robust and tangible recommendations for the future to tackle problems of Somaliland organisations in Europe and also develop guidelines for the near future to promote partnership between Somaliland organisations in Europe and their counterparts in Somaliland.
The meeting will seek to examine some of the issues concerned our co-operation and networking and suggest ways that our organizations and SSE itself can support to take these issues forward.
During the conference there will be other activities including book fair and there will also be additional activities at the book fair and it will be good opportunity to meet the Authors and also meet with other new people.
We anticipate an exciting and productive conference.
Yours Sincerely.
Abdi Abdullahi
SSE Chairman
For further information and booking please contact:
1. Zakaria Waes Sweden zaki_waes@hotmail.com
2. Fathia Sh. Muuse Norway fathia10@gmail.com
3. Mohamed Bashe UK mohamedbashe@hotmail.com4. Yassin 4. Yassin Abdourahman France aslf.64@neuf.fr
5. Mohamed Amin Denmark radiohormuud@yahoo.com
6. Jama Muse Jama Italy jmgurey@gmail.com
7. Ismail Awil Holland ismail.awil@gmail.com
8. Eid Ahmed Wales (UK) eid_consultancy@yahoo.co.uk 9.Hasan M. 9. Hassan M. Nur Finland nurhassan@hotmail.com
10. Mohamed Hussein (Jacket) Belgium jkt_2005@yahoo.fr
11. Aden Mohamed Germany billaad@hotmail.com
12. Hussein Abyan Sweden wadadyare@hotmail.com