Våren 2009 Läxläsning Lördagar kl 13-16 Körkortsteori Lördagar kl 16.15-17.45 Muffinsklubben,Lördagar kl 17-20 barn och ungdomar. Danskickoff 14/2. En lördageftermiddag då vi provar olika danser. Line dance, bugg och foxtrott. Finns intresse startar vi grupper efter dagen. Anmälan till hakanwester@bredband.net

Golaha Wasiirada Xukuummadda JSL ayaa shirkoodii maanta. Waxay go'aamiyeen in maalinta khamiista taariikhduna tahay 17/1/2008 laga qaban doono guud ahaan Dalka JSL bannaan-bax lagu taageeriyo qadiyada gooni-isku-taaga JSL.
Golaha Wasiirada Xukuummadda Somaliland ayaa shirkoodii maanta waxay ku go’aamiyeen in maalinta khamiista ee todobaadkan taariikhduna tahay 17/1/2008 laga qabandoono guud ahaan dalka Jamhuuriyada Somaliland bannaan-bax lagu taageeri doono qadiyada gooni isku taaga Somalilnd, kaas oo ka dhicidoona dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka.
Go’aankan oo ka soo baxay shirka ay Isniin kasta yeeshaan Golaha Wasiirada Xumuummada Somaliland, kaas oo uu shir guddoominayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland isla markaan ah ku simaha Madaxweynaha Md Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxaana shirkaas lagu go’aamiyey in maalintaa khaamiista ee todobaadkan soo socda bishuna tahay January 17 in guud ahaan wadanka Somaliland uu ka dhici doono bannaan-bax ballaadhan, isla markaana in la fasaxi doono dhamaan shaqaalaha dawlada, iyada oo bannaan-baxaasi uu ka qabsoomi doona dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, oo lagu qaban doono fagaarayaasha iyo khayriyooyinka waa-weyn ee loogu talagalay in Munaasibadaha Qaranka lagu qabto.
Magaalada Hargeysa oo ah Caasimada Jamhuuriyda Somaliland, ayaa banaanbaxaas waxa loo sii diyaarinayaa in lagu qabto fagaaraha weyn ee Beerta Xoridaya, oo ah goobta loo asteeyey in inta badan lagu qabto Munaasibadaha Qaranka.
Waxaana banaan-baxaasi uu noqonaya mid Beesha Caalamka lagu dareensiiyo in ay u dhug-yeeshaan xil iska saarida qaddiyada Somaliland, isla markaana in lagu muujiyo taageerada iyo dareenka Bulshada Reer Somaliland u hayaan gooni isu taaga iyo madax-bannaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa u magacaabay Guddidii qabanqaabada banaanbaxaaas, kuwaas oo ka kooban sagaal xubnood, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Axmed Xaaji Daahir, Wasiirka Wasaarada horumarinta Qoyska Faadumo Suudi Xasan, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Ciro], Duqaga Caasimada Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir, Ku-xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex [X-Hargeysa] Cali Asad, Masuuliyiinka ka socda sadexda Xisbi Qaran [UCID, UDUB IYO KULMIYE].

Source: Hadhwanaagnews