Våren 2009 Läxläsning Lördagar kl 13-16 Körkortsteori Lördagar kl 16.15-17.45 Muffinsklubben,Lördagar kl 17-20 barn och ungdomar. Danskickoff 14/2. En lördageftermiddag då vi provar olika danser. Line dance, bugg och foxtrott. Finns intresse startar vi grupper efter dagen. Anmälan till hakanwester@bredband.net
Waftigan oo ka kooban saddexda xisbi qaran, ayaa socdaalkoodu ka danbeeyey marti qaad rasmi ah oo ay dawladda Somaliland ka heshay xukuumadda Uganda oo marti gelinaysa shir madaxeedkan
Wafti Reer Somaliland ah oo Ka qayb gelaya Shir madaxeedka wadamada Barwaaqo Sooranka, ee ka dhacaya dalka caasimadda dalka Uganda ee Kampala dabayaaqada bishan ayaa shalay ka dhoofay Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Waftigan oo ka kooban saddexda xisbi qaran, ayaa socdaalkoodu ka danbeeyey marti qaad rasmi ah oo ay dawladda Somaliland ka heshay xukuumadda Uganda oo marti gelinaysa shir madaxeedkan, sida ay ilo xogogaal ahi u sheegeen wargeyska Geeska Afrika.
Xubnaha Waftigan oo ka kooban saddex masuul oo ka kala socda saddexda xisbi qaran waxa ay kala yihiin GuddoomiyahaXisbiga Caddaladda iyo Daryeelka (UCID) Eng. Faysal Cali Waraabe, Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska Md. Maxamed Nuur Fagadhe oo xubin ka ah guddida fulinta KULMIYE iyo wasiir ku xigeenka Qorshaynta Somaliland Md. Axmed Xaashi oo ka socda xisbiga talada haya ee UDUB.
Shir Madaxeedkan oo ah markii ugu horaysay ee Somaliland lagu marti qaado, waxa Masuuliyiinta Somaliland kaga qayb galayaangoob-jooge-nimo, maadaama aanay ka mid ahayn wadamada kursiga ku leh ururka barwaaqo sooranka.
Kulan madaxeedka wadamada ku bahoobay barwaaqo sooranka oo sannadkiiba mar la qabto ayaa waxa ka soo qayb galaya Madaxweynayaashaiyo masuuliyiin sar-sare ee 53-ka waddan ee ku bahoobay barwaaqo sooranka, oo ah dalalkii maxmiyadda u ahaa dawladdaBortooyada Ingiriiska, kuwaasi oo ay Somaliland ka mid ahayd,waxaana sannad kasta si rasmi ah u furta Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth.
Source:Geeska Afrika
Hargeysa(Qaran)- Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta
nidaam u sameeyay hawsha taakulaynta Gobolada Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhgoodle.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, oo ah Gudoomiyaha Gudida heer qaran ee dhawaan
loo xil saaray gobolada bariga somaliland Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle, waxa
uu maanta warsaxaafadeed uu soo saaray uu ku asteeyay barnaamij meel qudha lagu
ururinayo dhaqaalaha lagu taakulaynayo goboladaasi oo uu u magacaabay Guddi laba
xubnood ka kooban oo loo xil saaray qabashada lacagaha Taakulada ah.
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, warsaxaafadeedkiisu wuxuu u qornaa sidan "dhamaan
hayadaha, Ururada, Shirkadaha iyo muwaadiniinta Somaliland ee si hawlkarnimo iyo
xilkasnimo ku jirto uga qayb gaadanaya taakulaynta iyo dib u dhiska Gobolada Sanaag,
Sool iyo Degmada Buuhoodle, waxa lala socodsiinayaa in la dhisay guddi qaran oo xil
waajibaadkeedu yahay midaynta iyo maamulka taakulada ku wajahan goboladaas.
hadaba, si looga midha dhaliyo looguna maamulo qaabka ugu haboon loogana fogaado
jaataa rogan iyo is bar bar yaac waxa dhamaan taakulada lagu uruurinayaa Guddida
Taakulaynta Qaranka JSL.
waxa Gobol walba laga dhisayaa guddi taakulayn ah oo heer gobol ah una xilsaaran
ururinta tabarucaasi.
cid kasta oo ugu deeqda taakulo sanduuqa taakulaynta ee gobolada bari waxa la
siinayaa cadayn ay ku faah faahsantahay tirada iyo nooca taakulada laga gudoomay
wixii lacag ah ee cadaan ah Kaash waxa loo furay xisaabaadka xisaabaha soo socda.
1.Baanka dhexe ee somaliland 404 Somaliland Shillin
2.Baanka dhexe ee somaliland 112 Lacagta adag
3.Dahabshiil Account D10160 (Guddida Taakulaynta Qaranka)Muwaadiniinta somaliland ee
Jaaliyadaha Dibadu waxay Tabaracooda ku shubi karaan xisaabta dahabshiil ee kor ku
xusan waxaanay kala soo xidhiidhi karaan
1. Mudane Abshir Axmed Xasan Wasiirka Dib u dajinta
2. Mudane Maxamed Cali Xirsi Xubin golaha wakiilada ah
Guddidu waxay muwaadiniinta somaliland ku boorinayaan in ay si muwaadinimo ah,
xilkasnimo leh uga qayb qaataan hawshaa qaran iyo dhibaatooyinka, dhib u dhaca soo
food saaray gobolada bari, taasoo aan uga baryayno ilaahay in uu if iyo aakhiraba
ka abaal mariyo tabarucoodaasi".
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasin maanta shaaciyey liiska Magacyada Guddida Qaran ee ka hawl-gelidoonta gurmadka iyo baahiyaha ka soo kordhay Gobolka Sool,Sanaag Bari iyo Buuhoodle.
Guddidaas oo ka kooban 11 xubnood oo ay soo magacaabeen Sadexda Xisbi Qaran, labada Gole Barlmaan [Guurtida Wakiillada] iyo Xukuummada,waxaana Guddoomiye u noqon-doona Madaxweyne Ku-xigeenka.
Sida waxa lagu sheegay Waraxafadeed uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Ku-xigeenku oo nuqul ka mid ahi Caawa soo gaadhay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa.
Waxaanu u dhignaa sidan:-
“Xubnaha Guddida Qaran ee Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle tix-raac Warqad tirsigeedu yahay JSL/M/MX 241 / 3/473, 30/10/2007, kana soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, kuna saabsan Magacaabid guddi qaran oo ka hawlgasha gurmadka iyo baahiyaha ka soo kordhay Gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle.
Waxaan idinku war-gelinayaa inay guddida Qaran ka koobnaandoonto Masuuliyiinta Warqadan sida tooska ugu socoto oo ah Xubnihii ay soo Magacaabeen Sadexda Xisbi Qaran,Guurtida,Wakiillada iyo Xukuummada,Gudoomiye-na u yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Kulanka ugu horeeyaana waxa uu qabsoomidoona Maalinta Axda ee ay Bishu tahay 11/11/2007 10:00 subaxnimo Madaxtooyada JSL.”
Sidoo kale waxa War-saxaadeedkan lagu war-geliyey Xildhibaan Xasan Cabdi Xabad inuu o noqon doono Xog-hayn iyo Xisaabiye Guddida
Waxaanay Xubnaha Guddidu kala ahaayeen sidan
1. Cali Maxamed Warancadde………………Wasiirka Duulista iyo Hawada.
2. Abshir Axmed Xasan………………………..Wasiirka Dib-u-dejinta
3 Axmed Xasan Cali [Casoowe]………………..Wasiirka Cadaalada
4. C/xakiin Garaad……………………………. W./ ku-xigeenka Dib-u-dejinta
5. Cabdisalaan Maxamed Siciid………………...[Xil. Guurtida]
6.Maxamed Cismaan Libaaxo……………………[Xil. Guurtida]
7. Xamse Maxamed Gaada-weyne [Xil. Wakiillada]
8. Maxamed Cali Xirsi…………………………..[Xil.Wakiillada]
9 Md. Maxamed Ibraahim Rijaal [Saajin]……….Xisbiga UDUB
10. Md. Axmed Aadan Cali Goodir……………...Xisbiga KULMIYE.
11. Md. Aadan Maxamed Mirre [Waqaf]…………Xisbiga UCID.


Laascaanood -Wefdigii Xukuumada ka socday ee ku sugnaa Magaalada ayaa
shalay deeq daawada xoolaha ah ku wareejiyay Maamulka gobolkaasi, iyadoo ay isla
shalayna ay gaadheen halkaasi shan gaadhi oo deeq Raashin ah .
Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Mudane Fu’aad Aadan Cadde, ayaa Weriye
C/risaaq Maxamed oo aanu warkan ka helay u sheegay in deeqdaasi daawooyinka xoolaha
ah ay ku wareejiyeen Gudoomiyaha gobolka Sool iyo Isu duwaha Wasaarada Xanaanada
Xoolaha Munaasibad lagu qabay dugsiga sare ee Magaaladaasi.
Waxa kale oo uu sheegay Wasiirku in macalimiinta iyo guddoonka Waxbarashada ee
gobolkaasi sidoo kale ay hadalo dar daaran iyo toosin ah u jeediyeen wefdigooda
Wasiirada ahi , isla markaana ku guubaabiyeen inay dar dar geliyaan hawsha, inkastoo
dugsigaasi uu xidhnaa tan iyo markii dhawaan ciidanka Qaranku maleeshiyadii
Majeerteeniya ka saareen Magaalada laascaanood.
Warku waxa uu intaa ku daray in wefdigaa Wasiirada ahi ay sidoo kale munaasibadan
ay daawada ku gudoonsiiyeen maamulka gobolkaasi ay dadweynahana kala hadleen ,
kuwaasi oo dadweynaha magaalada u sheegay in Nabad gelyada iyo xasiloonidana ay
ilaaliyaan , isla markaana dadweynaha Magaalada ka qaxay waxay u soo jeediyeen in ay
guryahoodii dib ugu soo noqdaan.
Dhinaca kale wasiirka deegaanku waxa uu sheegay in shalay Shan gaadhi oo waaweyn oo
sida deeq raashin ah oo isugu jirta Sonkor , Daqiiq , Saliid iyo Bariis ay gaadheen
oo lagu rogay Magaalada Laascaanood.
Wasiirku waxa uu sheegay in deeqdaasi raashinka ah oo dawladu u fidisay dadweynaha
gobolkaasi ay siin doonaan dadka jilicsan ee Magaaladaasi ku nool.
Mudane Fu’aad Aadan Cade wuxuu intaa ku daray in deeqda dawlada iyo dadweynaha reer
Somaliland u fidiyeen dadkooda Laascaanood ay tahay mid si weyn hor dhaceedii looga
dareemay Magaaladaasi , waxaanu u mahad naqay dawlada iyo shacbiga reer Somaliland
ee gargaarka u fidiyay reer Laascaanood.
Sidoo kale , waxa uu tibaaxay in si fiican ay hawlahu hadda ugu socdaan Laascaanood
,iyadoo wefdigooda halkaasi ku sugani ay u kuur galayaan baahiyaha adeega dadweynaha
ee Sool ka jirta si dib loogu soo nooleeyo.
Source:Tvsleurope
dhamaan Jaaliyadaha Somaliland Sweden
Ujeeddo: Ka qayb qaadashada dib u dhiska Laascaanood
Shir muhiim ah oo ku qabsoomay aalada internetka iyo telifonada oo ka dhacay Sweden oo ay ka wada qayb galeen Jaaliyada Somaliland ee Örebro, Ururka Somaliland Nordic Releif, Ururka Somaliland Relief Association Sweden,Jaaliyada Somaliland ee Stockholm iyo odayaal ka socda Jönköping iyo Göteborg.Waxa lagu lafa guray laba arimood oo waayeen kuwaas oo kala ah
1.Sidii ay dhamaan jaaliyadaha Somaliland ee Sweden ay si hagar la'aan ah oo ay xilkasnimo ku dheehan tahay uga qayb qaataan ololaha bilaabmay ee dib u dhiska magaalada Laascaanood, magaaladaas oo uu dib u dhac u keenay xukunka jujuubka ahaa ee majeerteeniya.
2.In Jaaliyada Somaliland Nordic Releif oo ka wada hawlo samafal oo muhuum u ah nolosha biniaadamka gobolada kale Somaliland ay gobolka Sool ka fuliso hawlo la mid ah kuwa samafalka ee ay ka hayso Somaliland goboladeeda kale.
Dood dheer kadib waxa la isla gartay in Laascaanood lagu caawiyo lacag dhan USD 10000 taas oo loo kala qaybiyey sidan hoose
1.Jaaliyadaha Stockholm iyo hareeraheeda USD 3000
2.Jaaliyada Somaliland ee Flen USD 500
3.Jaaliyada Somaliland ee Linköping USD 500
4.Jaaliyada Somaliland ee Jönköping iyo Hareraheda USD 1000
5.Jaaliyada Somaliland ee Umeå iyo hareerka USD 500
6.Jaaliyda Somaliland ee Örebro USD 1000
7.Jaaliyda Somaliland ee Malmö USD 500
8.Jaaliyada Somaliland ee Falkenberg USD 500
9.Jaaliyada Somaliland ee Göteborg USD 1500
10.Jaaliyada Somaliland ee Uppsala USD 500
11.Jaaliyada Gislaved,Helsinborg iyo Växjö USD 500
Qodobka labaad waxa ay Jaaliyada Samafalka ee Somaliland Nordic Relief balan qaaday in sannadka soo socda (2008) haddii Alle idmo ay uga xarayn doonto dowlada Sweden mashruuc samafal waxana ay ka codsandeen in ururada rayidka ah ee Samafalka ee Laascaanood ay la soo xidhiidhan xarunta ururka SNR ee Sweden si ay isula eegaa mashaariicda ay hadda u baahan yihiin reer Laascaanood.
Waxana arinta lacagta loo xil saaray SNR iyo wakiilka Sweden.Waxana ay ka codsadeen Jaaliyadaha kale ee Adduunka ku fiqliqsan in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalkooda.
Guddoomiyaha Somaliland Nordic Relief Wakiilka Somaliland ee Sweden
Bahnan Haji Aadan Hussein Wadadyare
Abdirakarim Ali Jama (Alxamdu) Guddoomiyaha SRAS
Odey Aidarus Sheikh Aadan
Cisman Aadan Ismail
Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Stockholm
Zakaria Waes
Guddoomiyaha Dalada Jaaliyadaha SL Sweden