Våren 2009 Läxläsning Lördagar kl 13-16 Körkortsteori Lördagar kl 16.15-17.45 Muffinsklubben,Lördagar kl 17-20 barn och ungdomar. Danskickoff 14/2. En lördageftermiddag då vi provar olika danser. Line dance, bugg och foxtrott. Finns intresse startar vi grupper efter dagen. Anmälan till hakanwester@bredband.net
Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Cali Maxamed Waran Cadde ayaa daboolka ka qaaday inay maanta bilaabeen dhismaha Run-weyga Airport-ka Egal International Airport ee Caasimada Hargeysa,kaas oo ay dhismihiisa ku bixidoonto lacag dhan $ 400,000 oo Dolar [Afar boqol oo kun oo Dolar], isla markaana uu ku tilmaamay Wasiirku inay ku doonayaan inay soo fadhiistaan Diyaaradaha Waaweyn ee loo yaqaano Jet-ka oo aan markii hore soo fadhiisan kari-jirin.
Sida waxa uu Wasiirku ku sheegay Shirjaraa’id oo maanta ku qabtay Qolka nasashada ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa.
Waxa kale oo uu Wasiirku ku sheegay Shirkiisa jaraa’id inay kharashka Dhismaha Run-wayga ay bixindoonto Dawladu, iyada oo ay ka qeybka qaadanayaan dadka reer Somaliland ee Qurba-joogu, iyo Shirkadaha Wadaniguba, Waxaana la dhameystiridoona Run-wayga inta ka hadhay Sanadkan 2007. oo dhan laba bilood.
Wasiirku waxa sheegay in Sanadka Cusub 2008 la bilaabidoono Duulimaadyada Dayuuradaha Waaweyn ee Jet-ka.
.
“Waxaanu maanta bilownay dhismaha Airport-ka Hargeysa Runway-giisa oo aanu dooneyno inaanu ka dhigno inay soo fadhiisto Diyaaradaha Waaweyn ee loo yaqaano Jet-ka, oo runtii baahiweyn ay u qabto bulshada reer Somaliland Qaran ahaan iyo dad ahaan iyo Dawlad ahaanba” ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawadu
Wasiirka Wasaaradu Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade waxa uu sheegay inay lagama maar-maan tahay inay Diyaaradaha waaweyn ee Jet-ku marka ay ka yimadaan Caasimadaha Waaweyn ee inagu Xeeran inay soo fadhiistaan halkan oo aad iyo aad loogu baahan yahay.
Waxa kale oo Wasiirku sheegay inay imaanshiyaha Dayuuradaha Waaweyn ee Jet-ku faa’iido-weyn u yeelan doonaan dalka, iyo dadka reer Somaliland ee Qurba-jooguba, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxay Faa’iido-weyn u yeelandoonaan dalka guud ahaan, waxay kale oo faa’iido u yeelandoonaan soo jiidashada dadkeena qur-baha ka imanaya, waxay faa’iido u yeelandoonta dhaqaalaheena”
Cali Maxamed Waran-cade waxa uu ku tilmamay Wakhtigan Dhabaha Dayuuradahaa ee Egal International ay soo fadhiistaan Dayuurado yar yar oo Daalay oo la isticmali jiray Wakhti hore . “Waxaynu imika ognahay in Dayuuradaha imika soo fadhiista Airport-keena inay yihiin qaar aad u liita, oo dadku iyaga oo jecel inay Wadankooda ku soo noqdaan Caruurta ku dhalatay Yurub ee aan arag dalkeena waxa had iyo jeer dhacda Marka ay Jabuuti ku rogaan Dayuuradaha Jet-ku inay Soo Raacaan Dayuurado qalanbaxa oo wakhti hore la sameeyey oo leh Marawaxadaha, Dayuuradahaasi Waa Dayuurado Daalay oo runtii maanta ku habooneyn inay rakaab qaadaan [Passenger] oo Aduunyada inteeda badana laga joojiyey”
“Sidaa awgeed Markii aanu aragnay dadka dhalinyarada ah ee dibadaha ku dhashay ee u soo xiisay dalkooda Somaliland, markay Jabuuti kaga soo wareegayaan Dayuuradaha noocaas ah [Kuwa Marawaxadaha leh] waxa dhacda inay naxdin iyo afariir ka qaadaan Dayuurado aan Qaboojiyayaal lahayn, ama aanu hagaagsanayn raaxadooda iyo gudahoodu mid aanu wanaagsanayn, oo aanu gudahoodu ahayn wax la isku halayn karo” ayuu yidhi Cali Maxamed Warancade isaga oo ku dooday inaanay Dayuuradaha hore ee Wakhtigan ka shaqeeya Somaliland inay dadka reer Somaliland qurba-joogu ay dhibaato badan kala kulman.
“Taasi waxay nagu kaliftay shicib iyo Dawladba inaynu u guntano sidii aynu Airport-ka uga dhigi lahayn mid ay soo fadhiistaan Dayuuradaha Caalamka ka yimaada ee Jet-ka la yidhaahdo khaas ahaan 737 oo aanu dooneyno inaanu ku bilowno” ayuu yidhi Cali Maxamed Warancade
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawadu waxa uu ku dooday inay maanta bilaabeen talaabadii ugu horeysay oo uu ku tilmaamay inay tahay inaynu bilownay talaabadii ugu horeysay oo ah Run way oo runtii meel fiican oo istaraatijiya kagayaala, meesha uu ku yaalana meel adag oo aad moodo in loogu tala-galay Airport ay tahay.
“Airport-ku waxa uu u baahan yahay dhowr arrimood oo kala horeeya Midi waa mid weyn oo aynu jecel nahay inay la kaashano Caalamka oo ay ku baxayso ilaa malaayiin Dolar, midna waa mid dhexe, midna waa mid aanu u aragnay inaynu inagu qabsan karo haddii aynu nahay dadka reer Somaliland iyo Dawladeedaba, tii aynu qabsan kareynay ayeynu maanta tijaabadeedi hore bilownay” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawadu Cali Maxamed Warancade.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu inta raaciyey oo uu yidhi “ Waa Illahay mahadii haddii aynu haysano qalabkii aynu kaga oon-bixi lahayn ama inoo suurta-gelin lahaa inay Airport-ka ka dhigno mid Caalamiya oo ay Dayuuradaha Waaweyn soo fadhiistaan”
Source:hadhwanaag
Xubnaha Maamulka Degmada laascanood iyo xubnaha ka tirsan xukuumada somaliland ee ku sugan magaalada laascaanood ayaa irirdaha ufuray xafiiskiisa dawalda hoose ee magaalada laascaanood, tan iyo mudo gaadhaysa shan sano markii maamulka somaliland ka baxay gudahda laascaanood.
Xaflad Balaadhan oo loo sameeyay furitaanka xafiiskaas oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyinta xukuumada somaliland iyo Maamulka Dawlada Hoose culima awdiinta Magaalada iyo Duqaytida dhaqanka ee magaalada ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawlada hoose ee magaaldaas.
Xaflada ayaa ugu horayn waxaa furay Duqa Degmada Laascaanood oo si wayn ugu soo dhaweeyay halkaasi dhamaanba bulshadii ka qayb qaadatay xaflada isagoo si wayn uga mahad celiyay bulshadaasi waxaana uu sheegay in uu xafiisku hadda wixii ka danbeeya uu si rasmi ah ufuran yahay.
Sidoo kale Duqa Degmada Axmed Daahir Xasan ayaa waxa uu sheegay in ay hadda wixii ka danbeeya ay hawl gali doonaan dhamaanba xafiisyada Dawlada Somaliland ee ay ku leedahay Gobolka Sool si dagdag ahna loo furi doono dhamaaba xafiisyadaasi.
Xafladan maanta ka dhacday hoolka shirarka ee Dawlada hoose ayaa ahayd xaflaad ku bilaabatay jawi daganaansho ah oo ay dadka halkaasi isugu yimi ay si wayn ugu faraxsanaayeen xafladaasi iyadoo ay halkasna ay ka hadleen dadaweyne aad uu fara badan iyo waliba masuuliyiin.
Si kastaba ahatee markii ugu horaysay ee xafiiska Dawlada hoose si rasmi ah loo furo oo ay furaan maamulka Somaliland tan iyo intii ay la wareege en gacan ku haynta magaalada laascanaood.
Source:Hadhwanaag

Salaan iyo waano muqaala oo uu madaxweynaha Jamhuuriyada dimokratiga S/Land mudane Dahir Riyaale Kaahin usoo gudbiyey Bulshada Sweden iyo dhamaan qurba joogta Somaliland.
Gudoomiyaha dalada guud ee Sweden mudane Zakarie Hassan oo isagu wadankii hooye mudo ku sugnaa ayaa fariinta ka soo qaaday madaxwaynaha.
Madaxwaynuhu waxa uu mahad gaara u soo diray dadwaynaha reer Sweden sidii kartidu ku dheehnayd ee ay usoo dhaweeyeen waftiga madaxwaynaha.
Intaa waxa uu kudaray in ay lagama maarmaan tahay in danta guud oo laga wada shaqeeya tahay furaha horumarka taas oo uu tusaale oga dhigay sidii wada jirka ahayd ee sweden ay hawsha waftiga u wadeen bulsha waynta sweden, taas oo ku dhamaatay najax.
Waxa dardaaranka madaxweynaha ka mid ahaa in hadii aynu nahay qurba jooga S/land nahay kuwii dalka maamulihaa mustaqbalka dhow sidaa daraadeed ay lagama maarmaan tahay in xil dheeriya layska saaro horumarinta dalka iyo qadiyada wadankeena.
Waxaa isaguna ka xaalwaramey xaalada dalka Mudane Zakarie Hassan waes Gudoomiyaha Dalada Guud ee Sweden oo u waramayay tv somaliland europe. Mudane Zakarie Hassan waxaa uu aad uga xogbixiyey xaalada dalka guudahaan.Siiba xaga dhaqaalaha, degaanka, horumarka iyo qodobo kale oo muhiima.
Hadii aad u baahato warasigii mudane Zakarie iyo fariintii madax weynaha waxa aad kala xihiidhi kartaa bogga www.tvsle.net qaybata muuqalka
Sawirka Hoosta Gudomiyaha dalada Guud ee somaliland dalka Sweden Zakariye Hassan waes Oo shahado Sharaf gudoonsiinya Madaxweyne rayale Markii uu Sweden booqashdaku yimi Jun-2007.
