REKLAM

Somaliland i Uppsala

Våren 2009 Läxläsning Lördagar kl 13-16 Körkortsteori Lördagar kl 16.15-17.45 Muffinsklubben,Lördagar kl 17-20 barn och ungdomar. Danskickoff 14/2. En lördageftermiddag då vi provar olika danser. Line dance, bugg och foxtrott. Finns intresse startar vi grupper efter dagen. Anmälan till hakanwester@bredband.net

Diverse

XML Feeds

Vad är RSS?

Vem är Online?

  • Guest Users: 1

powered by
b2evolution


Arkiv för: Augusti 2007

Xulka Gobolka Togdheer Oo Ku Guuleystay Koobkii Ciyaaraha Gobolada Somaliland,Kadib Markii Uu Si Xarago Leh Uga Badiyey Xulka Awdal

Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Togdheer ayaa ku guuleystay Koobkii Ciyaaraha Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland,kadib markii Ciyaartii Finalka oo aad Kuluul una Xamaasadeysan ay kaga badiyeen Xulka Gobolka Awdal .oo ku dhex-martay Hargeysa Stadium ee Magaalada Hargeysa.

Ciyaarta Galabta dhex-martay Xulalka Gobolka Togdheer iyo Awdal ayaa Xulka Gobolka Togdheer kaga bidiyeen 10 gool iyo 9 Xulka Gobolka Awdal,

Ciyaartan oo ay daawashadeeda ka soo qeyb-galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta iyo Xubno ka mid ah Masuuliyiinta Dawlada iyo boqolaal taageerayaasha labada kooxood ah.

Kulankan ay fooda isku dareen Xulalka labada Gobol ayaa ahayd mid Weerar iyo weerar Celisa oo aan wax-ba la iskula hadhin, oo ay labada dhinac-ba soo bandhigeen Ciyaar farsamadeedu aad u heer-sareysay, waxaana Ciyaarta qeybtii hore ku gacan sareeyey Xulka Gobolka Togdheer.

Qeybtii hore ee Ciyaartaasi ayaa waxa Gool keensaday Xulka Ku bada Cagta ee Gobolka Awdal,

Markii Xulalka labada Gobolka tashi iyo sixid la soo sameeyeen tababarayaashoodii ayaa waxay labada Xul isugu soo noqdeen qeybtii labaad ee Ciyaarta, taas oo ay labada dhinac-ba bilaabeen dar-dar ciyaareed oo weerar iyo weerar Celisa, Xulka Gobolka Togdheer ayey u suurta gashay inay la yimaadaan Goolkii bar-baraha waxaanay Ciyaartu ku dhamaatay Gool iyo gool.

Sida uu dhigayo Sharciga ciyaaruhu Waxa labada Xul ee Gobolada Togdheer iyo Awdal loo dhigay laaga tooska ah ama rikoodhayaal, waxaana ku Badiyey Xulka Gobolka Togdheer oo helay 10-gool halka Xulka Gobolka Awdalna la yimaadeen 9 Gool.

Caawa iyo damaashaadka Xulka Ciyaartoyga Gobolka Togdheer oo faras magaalaha Damaashaad Awadeed ku dul-wareegayaa, iyo niyad-jabka Ciyaartoygii Xulka Gobolka Awdal oo dhuuntay, waxa Caawa Suuqa Faras Magaala ah aad looga dareemayaa farxada Ciyaarta oo Hoonka iyo Sacabka iyo boqolaalka Baabuurta ah ee wadooyinka wareegaya maleyn maysid.

Source:Hadhwanaag : 2007-08-10

Permalink 01:48:38, av ahmed, 284 ord, 274 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar

Madaxweyne Daahir Rayaale Oo Kal Fadhi Caadi Ahayn Iskugu Yeedhay Baarllamaanka

Madaxweyne Daahir Rayaale Oo Kal Fadhi Caadi Ahayn Iskugu Yeedhay Baarllamaanka
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Siciid Cadaani Mooge ayaa waxa lagu sheegay in uu Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin uu iskugu yeedhayo si deg dega Golaha Baarllamaanka Kal Fadhi aan caadi ahayn, isaga eegaya duruufaha dalka ka jira si ay waxa yaabihii qabyada ahaa ay u dhamays tiraan

Warsaxaafadeedkan oo u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliand, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isagoo cuskanaya qodobka 46aad, faqradiisa labaad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, ee awooda u siinaya in sharcigu u ogol yahay in fadhi deg deg ah, uu isugu yeedhi karo Golaha Wakiilada marka arrimo deg deg ahi ay dalka la soo gudboonaadaan.

Madaxweynuhu isagoo tixgelinayaa la tashi badan oo uu la yeeshay waxgaradka iyo aqoonyahanada iyo cidd wal oo danaynaysay danaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu si qadarin iyo mudnaan mudan uga codsaday in Golaha Wakiiladu ay fadhi deg deg ah isugu yimaadaan kana hadli doonaan arrimo muhiima oo aan sugi karin inta ay ka soo noqonayaan fasaxooda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin.

1. Dhammaystirka Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka, taas oo lagama maarmaan u ah geedi socodka Doorashooyinka Qaranka oo wakhti koobani ka hadhsan yahay.

2. Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2007 oo u taalla Golaha Wakiilada in ay si deg deg ah go;aan uga gaadhaan, iyadoo Miisaaniyaddaasi ay ku jirto tii Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee fooda inagu soo haysa.

Madaxweynuhu waxa uu Golaha xildhibaanada ka codsaday in fadhigaasi deg deg ah ay isugu yimaadaan muddo todobaada gudaheed ah, laga bilaabo maanta.

Permalink 16:47:26, av ahmed, 255 ord, 142 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar

Tartankii Kubadda Cagta ee Uppsala 2007

Tartan Ciyaareed kubadda cagta ah ayaa ka dhacay Magaalada Uppsala 28 Julay 2007, taryankaa oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyadda Somaliland ee Uppsala. Intii aanu tartanku bilaabmin waxa kooxihii iyo marti sharftii kaleb ay si wada jir ah uga qayb galeen qado ay u diyaarisay Jaaliyaddu, intii lagu jiray munaasabada qadada waxa hadlo mahadnaq, tusaaleyn, waano iyo dardaaran ka jeediyey xubno iskugu jira Guddida jaaliyada iyo odayaasha magaalada xubnahaasna waxa ka mid ahaa Cali Ibraahim, Cali Hiraabe, Zakariye Wacays, C/raxmaan Xaashi iyo Aadan. Tartankaa oo ah mid aad u xiiso badna waxa ka soo qeyb galay Magaalada Uppsala oo ay u ciyaarayeen laba kooxood, västrås, Enköping iyo Åvesta. Shantaa kooxood waxay ciyaareen ciyaar is wada arag ah. Waxaana ciyaar aad u qurux badan oo xirfad iyo edaba ku jirto ka muujiyey intuu uu tartankaasi socday kooxdii ka socotay Magaalada Åvesta, waxa iyana sidoo kale ciyaar wanaag muujiyey kooxaha Uppsala, Västrås iyo Enköping. Gebagebadii waxa koobkii tartankaa ku guulaystay kooxdii ka socotay Magaalada Åvesta oo aan iyaga Marna laga badin, waxa kaalinta labaad galay oo iyana halkaa ku hantiyey koobkii kaalinta labaad kooxdii ka socotay Magaalada Västrås oo 2 gool oo gool tirsiya kaga qaaday kooxdii ka socotay Mgaalada martida loo ahaa ee Uppsala.
Markii tartanku ku dhamaaday garoonka waxa lagu qabtay hoolka Jaaliyadda Somaliland xaflad lagu gudoonsiinayey kooxihii ku guulaystay tartankaa, sidaan hore u sheegnay waxa kaalinta koowaad ku guulaystay oo koobkii hantiyey kooxdii ka socotay Magaalada Åvesta, waxaana ciyaartaw kasta la gudoonsiiyey bilad, waxa kaalinta labaad galay kooxdii ka socatay Magaalada Västrås oo iyana helay koobkii kaalinta labaad waxa kaalinta sadexaad galay kooxdii ka socotay Magaalad uppsala. Waxa la siiyey bilad ciyaartawgii ugu goolal dhaliska badnaa waa C/rasaaq Aadan oo ka socday Västrås waxaanu dhaliyey 8 gool, waxa isna bilad la siiyey ciyaartawgii ugu ciyaarta wanaagsanaa oo runtii ahaa inan ay da’diisu aad u yarayd mustaqbalna ku leh ciyaarta cubada cagta hadii uu sii wado waa Axmed Cali Ibraahim oo u ciyaarayey Uppsala.

Tartankaa waxa ka soo qeyb galay 50 ciyaartow shan tababare, shan xubnood oo ah gudida qabanqaabada iyo dadweyne tiro badan oo daawanayey. Mudadii uu tartanku socday waxa lugi wax ka gaadheen oo halkaa ku dhaawacmay ciyaartaw ka socday Magaalada Västrås oo dhakhtarka la geeyey, markii danbana waxaa na loo sheegay in aany xaaladiisu khatar ahayn.
Waxa la dhaliyey intii uu tartanku socday 44 gool.

Waxay sheegeen Gudidii soo qabanqaabisay tartankan in ay sanad walba qaban doonaan hadii Ilaahay ka raali noqdo waxaanay in taa ku dareen in ay soo casuumi doonaan kooxo ka socda wadankan Sweden iyo Yurubta kaleba oo ay tartanka intan ka balaadhin doonaan mustaqbalka.

Dhamaan kooxihii iyo ciyaartawgii tartankaa ka soo qeyb galay aad ayey ula dhaceen tartankaas waxaanay mahadnaq iyo dhiiri galinba siiyeen Jaaliyadii soo qaban qaabisay tartankaas.
Wabilaahi Tawfiiq
C/raxmaan Xaashi

Permalink 23:36:13, av ahmed, 472 ord, 151 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar