REKLAM

Somaliland i Uppsala

Våren 2009 Läxläsning Lördagar kl 13-16 Körkortsteori Lördagar kl 16.15-17.45 Muffinsklubben,Lördagar kl 17-20 barn och ungdomar. Danskickoff 14/2. En lördageftermiddag då vi provar olika danser. Line dance, bugg och foxtrott. Finns intresse startar vi grupper efter dagen. Anmälan till hakanwester@bredband.net

Diverse

XML Feeds

Vad är RSS?

Vem är Online?

  • Guest Users: 1

powered by
b2evolution


Arkiv för: Juli 2007

Tartanka kubada cagta Uppsala 2007


Permalink 14:12:16, av ahmed, 0 ord, 149 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyda Somaliland

Wafti balaadhan oo ka socda JSL ayaa manta u anbabaxay kilalka Harargi ee dalka Ethiopia ama (Herer State) caasimada ay u tahay magaalada Herer.

Waftigaas oo ka kooban Wasiiro iyo saraakil sare oo ka tirsan JSL waxaa ka mida.

· Wasiirka Madaxtooyada Nuur Amiin Ismaacil.
· Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil).
· Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni.
· Badhasaabka MaroodiJeex Cali Xasan Maxamuud (Cali Asad).
· Badhasaabka Awdal Maxamuud C/laahi Ciro.

Waxaanay Waftigaasi ka qayb gali donaan Xuska iyo dabaaldaga loo samayn doono sanad guuradii ka soo wareegtay qarnigii 10aad ama kun sanadood markii la dhisay magaalada Herer.

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Permalink 23:26:08, av ahmed, 102 ord, 138 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar

M/wene Ku-Xigeenka Somaliland Iyo Wefti uu hogaaminayo oo u Kicitimay Malaysia

Madaxeyne Ku -Xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin Iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambo-baxay Dalka Malaysia,ka dib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen Dawlada Wadankaas.

Madaxweyne-ku xigeenka Somaliland oo intii aanu ka ambo bixin Dalka Saxaafada ugu waramayay Madaarka ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkiisa waxa uu yidhi.
“waxa aan u ambo baxaynaa Dalka Malaysia markii hore waxa aynu awooda saari jirnay Dalalka Afrika iyo yurub waa waajib in magaceena meel walba la gaadhsiiyo oo marka eeshiya laga yimaado ilaa Maraykanka la wado,horta waxa Malaysia casuumadan ku khasbay jaaliyadeena wadankaas ku dhaqan Dawladaasina way ka aqbashay waxa aanu socdaalkayagan awooda u weyn saaraynaa in xoolaha oo wadamada dibada aynu ugeyno iyagoo nool bal in hada ay Somaliland ka samaystaan meelo xoolaha lagu qalo oo ay xataa xoolahii oo qalan ay inaga qaataan ,waxa aanu madaxda dalkaas kala hadli doonaa sidii Ganacsi aynu u yeelan lahayn iyo dabcan inQadiyada Somaliland meel walba la gaadhsiiyo”.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin Waxa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka arrimaha dibada C/Laahi Maxamed Ducaale iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr.Idiris Ibraahim Cabdi.

Source:Qaran News/Hargeysa




Permalink 23:20:33, av ahmed, 188 ord, 112 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar