REKLAM

Somaliland i Uppsala

Våren 2009 Läxläsning Lördagar kl 13-16 Körkortsteori Lördagar kl 16.15-17.45 Muffinsklubben,Lördagar kl 17-20 barn och ungdomar. Danskickoff 14/2. En lördageftermiddag då vi provar olika danser. Line dance, bugg och foxtrott. Finns intresse startar vi grupper efter dagen. Anmälan till hakanwester@bredband.net

Diverse

XML Feeds

Vad är RSS?

Vem är Online?

  • Guest Users: 1

powered by
b2evolution


Arkiv för: Juni 2007

Nya radioprogram


Habiba och Abdikhadir är programledare för barnprogrammen.


Radio Somaliland Uppsala 070622


Veckans nyheter från Somaliland och Sverige

Mycket nöje önskar
Habiba, Ahmed, Omar, Ismail, Alinassir, Håkan, Abdirahman och Abdi

Permalink 16:54:20, av ahmed, 32 ord, 126 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar

Warsaxaafdeed: Socdaalka madaxweynaha ee dalka Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey oo shalay booqasho Rasmiya ku tegay Dalka Talyaaniga, waxa Maanta uu la kulmay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debedda ee Dawladda Talyaaniga, Marwo, Patrizia Sentinelli iyo Madax kale oo ka tirsan Dawladda Talyaaniga.

Madaxweynuhu, waxa uu uga waramay, madaxdii dawaladda Talyaaniga ee uu la kulmay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland ay soo martay iyo waxyaabaha ay qabsatay, waxana uu ugu mahadnaqay dawladda Talyaanigu albaabka ay u furtay Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo uu Madaxweynuhu ka codsaday Dalwadda Talyaaniga in xidhiidhkaasi uu noqdo mid sii socda.

Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo uu weydiistay Dawladda Talyaaniga in deeqda ay siiso Jamhuuriyadda Somaliland ay noqoto mid si toos ah u gaadha, iyo mid Hay’adaha loo soo mariyo labadaba. Isla markaa inuu noqdo xidhiidhka labada wadan mid sii xoogaysta mustaqbalka soo socda.

Madaxweynaha JSL, isagoo la hadlaya saxaafadda dalalka Yurubta qaar ka mid ah, waxa uu ku tilmaamay socdaalka uu ku soo maray dhawrkaa waddan ee ka tirsan dalalka Europe-ta in uu ahaa mid guul laga gaadhay, madaxdii ay la kulmeen inay si wayn ugu garaabeen Somaliland, waxa ay qabsatay iyo xaqqa ay u leedahay in ay Madaxbanaani hesho.

Madaxweynuhu wadamadaa uu soo maray oo dhammaantood ka mid ah, dalalka ku hawlan arrimaha Somalida ee loo yaqaano ( International Contact Group on Somalia) waxa si weyn loogu rajo weyn yahay in ay wax weyn ka bedeli doonto aragtida ku wajahan Somaliland ee wadamadaasi.

Shirka Maanta dhex maray Madaxweynaha JSL iyo Madaxda Dawladda talyaaniga oo si weyn la isugu af gartay, waxa ka qayb galay, Wasiirka Arrimaha Debedda JSL, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducale, Wakiilka JSL, u fadhiya Talyaaniga, Mudane, Muxiyaddiin Gaboose, Mudane, Siciid Caddaani Mooge, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL iyo Mudane, Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL.

Allaa Mahad Leh

Siciid Caddaani Mooge,
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
iyo La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Warbaahinta JSL
Ahna Af-hayeenka Wefitaga Madaxweynaha JSL

Permalink 14:48:30, av ahmed, 317 ord, 144 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar

Nya radioprogram


Habiba och Abdikhadir är programledare för barnprogrammen.


Radio Somaliland Uppsala 070615


Veckans nyheter från Somaliland och Sverige

Mycket nöje önskar
Habiba, Ahmed, Omar, Ismail, Alinassir, Håkan, Abdirahman och Abdi

Permalink 18:18:32, av ahmed, 32 ord, 130 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar

Socdaalka Madexweynaha iyo wafdigiisa ee Sweden

Sida aad la wada socotaan waxa maalmahanba boogasho ku jooga Dalka Sweden Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Marwadiisa, wasiirka arimaha dibada, afhayeenka madaxtooyada iyo xoghayihiisa gaarka ah. Wafdigan oo Sweden yimi maalintii Isniinta ee 4 Juun waxa maalintaas garoonka si fiican ugu soo dhaweeyey madax ka tirsan dalkan Sweden iyo dadweyne fara badan oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee Sweden.

Madaxweynuhu waxa uu mudadii uu joogay la kulmay Madax ka tirsan Dawlada iyo Baarlamanka Sweden iyo waliba hay’adaha deeqda bixiya ee Dalkan.
Waxa uu Madxweynuhu maalintii Arbacadii la kulmay Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan Sweden, kulankaas oo ka dhacay Huteelka weyn ee la yidhaahdo Scandic Hotel ee magaalada Stockholm, kulankaas waxa ka soo qeyb galay madaxweynaha iyo wafdigiisa, jaaliyadda Somaliland oo uu hogaaminayo gudoomiye Zakariye Xasan Wacays, Wakiilka Somaliland ee Sweden Xuseen Wadaadyare, xubnihii mas’uulka ka ahaa imaanshah Madexweynaha Caydaruus Sh. Aadan iyo Jamaal Ismaaciil.

Munaasabadaa waxa lagu furay Aayado qoraanka kariimka ah, intaa ka dib waxa la guda galay barnaamijkii waxa halkaa hadalo ka jeediyey Caydaruus Sh. Aadan, Zakariye Xasan , Xuseen Wadaad yare, Nimco Ducaale oo ku hadlaysay magaca haweenka Somaliland iyo C/laahi oo ku hadlayey magaca odayaasha.

Waxa iyana halkaa ka hadashay Wasiiradda Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta a Bulshada, Marwo Faadumo Suudi Xassan.
Waxa intaa ka dib qaatay hadalkii Wasiirka arimaha dibada C/laahi Maxamed Ducaale oo ka waramay siyaasadda arimaha dibada ee Somaliland iyo halka ay marayso hawsha aqoonsiga Somaliland, waxaanu wasiirku hadalka ku soo dhaweeyey Madexweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin. Madexweynuhu waxa uu ka waramay xaalada wadanka ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha, arimaha dibada iyo arimaha gudaha.

Madaxweynaha oo ka waramayey dhinaca siyaasadda waxa uuSheegay in ay ka go’an tahay qabashada doorashooyinka sooSocda, dhinaca dhaqaalaha waxa uu sheegay in lagu guuleystay Dhoofinta xoolaha ee dalka Sucuudiga oo ay heshiis la galeen Ganacsade sucuudiya ujeedada kaliya ee ay ka lahaayeena ay tahay sidii ay xoolaheenu ugu dhoofi lahaayeen ama dib ugu noqon lahaayeen suuqyada Sucuudiga, ganacsadahaasina uu dhisi doono maal lagu baadho caafimaadka xoolaha kuna sii nastaan dhoofka ka hor, waxa iyana dalka Iman doona Jarmal dhisi doona Warshadii Sibidhka ee Berbera iyo mashruuca Dhuxul dhagax lagaga faa’iidaysanayo tamarta Si ay u dhiiri galiso tamartaasi maal galinta shisheeyaha, waxa iyana dalka yimi wafdi Shiina ah oo aanu u sheegnay ayuu yidhi madaxweynuhu inay wax inalaga qabtaan dhinaca biyaha gaar ahaan biyaha Hargeysa, dhinaca arimaha dibada waxa uu madaxweynuhu sheegay in ay meel fiican marayso.

Gabagabadii waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay qurbo shooga in ay midoobaan oo ay khilaafka iska ilaaliyaan, midnimadaas ayaad horumar ku gaadhi doontaan ayuu yidhi, waxa kale oo uu madaxweynuhu u sheegay qorbo jooga in ay laba qolo uun ay noqdaan qolo waxa soo barta oo cilmi la yimaada wadanka iyo qolo dhaqaala la yimaada wadanka laakiin aan macna daro halkan lala joogin, dadkan Swiidhishka ee soo dhaweeyeyna si fiican ula dhaqmaan. Waxa ugu danbeyntii Madexweynaha la waydiiyey su’aalo badan oo uu goobtii kaga jawaabay.

Waxa isla habeenimadaa Arbacada ee khamiis soo galaysay wafdiga ay Jaaliyadda Somaliland ugu sameysay casho sharaf Huteelka caanka ah ee Hilton Hotel ee Magaalada Stockholm ka sakaw wafdiga waxa cashadaa ka soo qeyb galay xubno ka socday Baarlamanka Sweden, safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Skandneefiyanka iyo dad aad u badan oo ka socday Jaaliyadda Somaliland, kulankaa cashada waxa hadalo kooban ka jeediyey Madaxweynaha, xubno Baarlamanka Sweden iyo Safiirka dawlada Itoobiya. Gabagabadii waxay dadkii halkaa yimi fursad ay u heleen in ay Madexweynaha iyo wafdigiisa salaamaan waxaanay ahayd munaasabad aan la iloobi doonin oo si aada loo soo agaasimay.

Ilaahay baa mahad leh

Maamulka Jaaliyadda guud ee Somaliland

Permalink 12:57:45, av ahmed, 604 ord, 150 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar

Wefdigii Madxweyne Rayale Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweyey Dalka SWEDEN

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta kasoo dagey gagida diyaradaha magalda Stockholm ee dalka Sweden.

Wefdiga Madxweynaha oo ay gagida diyaradaha kusoo dhaweeyen masuuliyiin ka socota dalka sweden ayaa waxaa uu u dhacay si heer sare ah.

Wefdigan Madaxweynaha oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Ducaale , waxa uu qayb ka yahay socdaalkoodani dedaalada Xukuumada Somaliland ugu jirto sidii ay qaddiyada Somaliland u gaadhsiin lahayd dalalka Yurub iyo mida kaleba.

Waa wefdigii ugu sareeyay ee ka socda Somaliland oo boqoasho ku yimada Dalka Sweden

Madaxweynuhu waxa uu dalka Sweden , kaga qayb geli doonaa Maalinta Qaranimada Dalkaasi oo ku beegan Lixda June.

Madxweyanah ayaa wareysi kooban oo uu tvsleurope layeeshey ku sheegay safrkiisa mid uu aad ugu faraxsanayahy,isla markaana u rajeynayo in safarkiisan Sweden uu noqdo mid fa'iido u leh dalka iyo dadkaba,waxaanu ugu baaqay shacbiga Somaliland Gudo iyo dibedba Isku duubni iyo wada jir qaranimo.

Source:Tvsleurope

Permalink 12:39:21, av ahmed, 161 ord, 127 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar

Nya radioprogram


Habiba och Abdikhadir är programledare för barnprogrammen.


Radio Somaliland Uppsala 070601


Veckans nyheter från Somaliland och Sverige

Mycket nöje önskar
Habiba, Ahmed, Omar, Ismail, Alinassir, Håkan, Abdirahman och Abdi

Permalink 18:50:12, av ahmed, 32 ord, 126 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar

Madaxwaynaha Jamhurijada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kahin iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo oo booqasho rasmiya ku imanaya Dalka Sweden

Waxa booqasho ku imanaya 4 Juun 2007 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ay ku imanayaan Dalka Sweden gaar ahaan Caasimada Stockholm, booqashadaas oo ah mid rasmiya ujeedadeeduna tahay in uu la kulmo madaxda dalka Sweden sida wasaaradd arimaha dibada, baarlamaanka, hay’adaha deeqda bixiya sida SIDA, in badan oo ka mid ah safaaradaha fadhigoodu yahay Stochkholm, ururo iyo shakhsiyaad muhiim ah oo u ololeeya madaxbanaanida Somaliland iyo Jaaliyadaha Somaliland ee Sweden iyo Skandaneefiyanka.

Waxa imika si xawliya uga socda qabanqaabada iyo soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa guud ahaan Skandaneefiyanka iyo gaar ahaan Dalka Sweden.

Waa booqashadii u horeysay ee uu Madaxweyne Somaliland ku yimaado Dalka Sweden waxaanay u tahay fursad qaaliya ujeedada iyo himilada qadiyada Somaliland oo ay kaga faa’iidaysato la kulanka Madaxda Dalka Sweden oo ah wadankii ugu horeeyey ee Qaarada Yurub ee go’aansaday in Somaliland si gaara loola dhaqmo, isla markaana waxay Sweden xubin muhiim ah ”Contact Group” ama gudida caalamiga ee arimaha Soomaaliya, Sweden waa wadan aad loogu dhago nugul yahay aduunka reer galbeedka iyo UN.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha waxa iska kaashaday Dalada Guud ee Jaaliyadaha Somaliland ee Sweden iyo muwaadiniin iskood isku xilqaamay.

Faahfaahinta barnaamijka booqashada wafdiga waxa aad kala soo xidhiidhaan:

Axmed Magan ahmedmagan@yahoo.com Daladda guud
C/raxmaan Xaashi ahashi60@hotmail.com Daladda guud
Ibraahim Aadan ibrahimadan@hotmail.com Daladda guud

Muwaadiniinta

Caydaruus Sh. Aadan xidhiidhiyaha arimaha Dawlada Sweden
eidarusadan@hotmail.com

C/raxmaan Jaamac Ismaaciil gudida qabanqaabada
abdiraxmaani@hotmail.com

C/laahi Faarax gudida odayaasha

Guul Alle.

Gudoomiyaha Dalada Guud ee Somaliland Sweden

Zakarie Hassan Waceys Zaki_waes@hotmail.com

Permalink 14:26:43, av ahmed, 263 ord, 136 views   Swedish (SE)
Kategorier: Studiecirklar