Våren 2009 Läxläsning Lördagar kl 13-16 Körkortsteori Lördagar kl 16.15-17.45 Muffinsklubben,Lördagar kl 17-20 barn och ungdomar. Danskickoff 14/2. En lördageftermiddag då vi provar olika danser. Line dance, bugg och foxtrott. Finns intresse startar vi grupper efter dagen. Anmälan till hakanwester@bredband.net

Golaha Wasiirada Xukuummadda JSL ayaa shirkoodii maanta. Waxay go'aamiyeen in maalinta khamiista taariikhduna tahay 17/1/2008 laga qaban doono guud ahaan Dalka JSL bannaan-bax lagu taageeriyo qadiyada gooni-isku-taaga JSL.
Golaha Wasiirada Xukuummadda Somaliland ayaa shirkoodii maanta waxay ku go’aamiyeen in maalinta khamiista ee todobaadkan taariikhduna tahay 17/1/2008 laga qabandoono guud ahaan dalka Jamhuuriyada Somaliland bannaan-bax lagu taageeri doono qadiyada gooni isku taaga Somalilnd, kaas oo ka dhicidoona dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka.
Go’aankan oo ka soo baxay shirka ay Isniin kasta yeeshaan Golaha Wasiirada Xumuummada Somaliland, kaas oo uu shir guddoominayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland isla markaan ah ku simaha Madaxweynaha Md Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxaana shirkaas lagu go’aamiyey in maalintaa khaamiista ee todobaadkan soo socda bishuna tahay January 17 in guud ahaan wadanka Somaliland uu ka dhici doono bannaan-bax ballaadhan, isla markaana in la fasaxi doono dhamaan shaqaalaha dawlada, iyada oo bannaan-baxaasi uu ka qabsoomi doona dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, oo lagu qaban doono fagaarayaasha iyo khayriyooyinka waa-weyn ee loogu talagalay in Munaasibadaha Qaranka lagu qabto.
Magaalada Hargeysa oo ah Caasimada Jamhuuriyda Somaliland, ayaa banaanbaxaas waxa loo sii diyaarinayaa in lagu qabto fagaaraha weyn ee Beerta Xoridaya, oo ah goobta loo asteeyey in inta badan lagu qabto Munaasibadaha Qaranka.
Waxaana banaan-baxaasi uu noqonaya mid Beesha Caalamka lagu dareensiiyo in ay u dhug-yeeshaan xil iska saarida qaddiyada Somaliland, isla markaana in lagu muujiyo taageerada iyo dareenka Bulshada Reer Somaliland u hayaan gooni isu taaga iyo madax-bannaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa u magacaabay Guddidii qabanqaabada banaanbaxaaas, kuwaas oo ka kooban sagaal xubnood, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Axmed Xaaji Daahir, Wasiirka Wasaarada horumarinta Qoyska Faadumo Suudi Xasan, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Ciro], Duqaga Caasimada Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir, Ku-xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex [X-Hargeysa] Cali Asad, Masuuliyiinka ka socda sadexda Xisbi Qaran [UCID, UDUB IYO KULMIYE].

Source: Hadhwanaagnews
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Guddi ka socota Ururka Dhallinyarada ee SONYO, kuwaasi oo ka koobnaa dhammaan Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhallinyarada SONYO oo ku soo gabagabeeyay shirkoodii caadiga ahaa ee labadii sannadoodba ay mar qaban jireen, waxay Madaxweynaha warbixin ka siiyeen waxqabadkoodii dhawrkii sanadood ee inna dhaafay iyo himilooyinka ay hiigsanayaan in ay hirgaliyaan mustaqbalka soo socda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, hadal uu ujeediyey Guddigaa dhallinyarada waxa uu kula dardaarmay in ay had iyo jeer ilaashadaan muhiimadda koowaadna ay siiyaan midnimada, iskaashiga iyo wax wada qabsiga Bulshada Somaliland, Madaxweynuhu waxa uu dhallinyarada
usheegay in Xukuumad ahaan ay mar walba diyaar
uyihiin in ay ka taageeraan dhallinta Mashaariicda iyo Afkaarta ay usoo gudbiyaan, kuwaas oo wax weyn ka tari doona Mustaqbalka iyo Aayaha dambe ee dhallinta.
Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay Mustaqbal iyo rajo aad u fiican oo loo baahan yahay dhallintu in ay kaalin wax ku ool ah ka muuqdaan Horumarka Dalka.
Guddoomiyaha Ururka Dalladda SONYO, Mudane, Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo) waxa uu ugu mahadnaqay Madaxweynaha fursadda qaaliga ah ee uu siiyay inuu la kulmo guddida dhallinyarada iyo tallooyinka fiican ee uu siiyayba.
Kullankaasi waxa kaloo goob joog ka ahaa Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane, Maxamuud Siciid Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Waftigan oo ka kooban saddexda xisbi qaran, ayaa socdaalkoodu ka danbeeyey marti qaad rasmi ah oo ay dawladda Somaliland ka heshay xukuumadda Uganda oo marti gelinaysa shir madaxeedkan
Wafti Reer Somaliland ah oo Ka qayb gelaya Shir madaxeedka wadamada Barwaaqo Sooranka, ee ka dhacaya dalka caasimadda dalka Uganda ee Kampala dabayaaqada bishan ayaa shalay ka dhoofay Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Waftigan oo ka kooban saddexda xisbi qaran, ayaa socdaalkoodu ka danbeeyey marti qaad rasmi ah oo ay dawladda Somaliland ka heshay xukuumadda Uganda oo marti gelinaysa shir madaxeedkan, sida ay ilo xogogaal ahi u sheegeen wargeyska Geeska Afrika.
Xubnaha Waftigan oo ka kooban saddex masuul oo ka kala socda saddexda xisbi qaran waxa ay kala yihiin GuddoomiyahaXisbiga Caddaladda iyo Daryeelka (UCID) Eng. Faysal Cali Waraabe, Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska Md. Maxamed Nuur Fagadhe oo xubin ka ah guddida fulinta KULMIYE iyo wasiir ku xigeenka Qorshaynta Somaliland Md. Axmed Xaashi oo ka socda xisbiga talada haya ee UDUB.
Shir Madaxeedkan oo ah markii ugu horaysay ee Somaliland lagu marti qaado, waxa Masuuliyiinta Somaliland kaga qayb galayaangoob-jooge-nimo, maadaama aanay ka mid ahayn wadamada kursiga ku leh ururka barwaaqo sooranka.
Kulan madaxeedka wadamada ku bahoobay barwaaqo sooranka oo sannadkiiba mar la qabto ayaa waxa ka soo qayb galaya Madaxweynayaashaiyo masuuliyiin sar-sare ee 53-ka waddan ee ku bahoobay barwaaqo sooranka, oo ah dalalkii maxmiyadda u ahaa dawladdaBortooyada Ingiriiska, kuwaasi oo ay Somaliland ka mid ahayd,waxaana sannad kasta si rasmi ah u furta Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth.
Source:Geeska Afrika
Hargeysa(Qaran)- Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta
nidaam u sameeyay hawsha taakulaynta Gobolada Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhgoodle.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, oo ah Gudoomiyaha Gudida heer qaran ee dhawaan
loo xil saaray gobolada bariga somaliland Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle, waxa
uu maanta warsaxaafadeed uu soo saaray uu ku asteeyay barnaamij meel qudha lagu
ururinayo dhaqaalaha lagu taakulaynayo goboladaasi oo uu u magacaabay Guddi laba
xubnood ka kooban oo loo xil saaray qabashada lacagaha Taakulada ah.
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, warsaxaafadeedkiisu wuxuu u qornaa sidan "dhamaan
hayadaha, Ururada, Shirkadaha iyo muwaadiniinta Somaliland ee si hawlkarnimo iyo
xilkasnimo ku jirto uga qayb gaadanaya taakulaynta iyo dib u dhiska Gobolada Sanaag,
Sool iyo Degmada Buuhoodle, waxa lala socodsiinayaa in la dhisay guddi qaran oo xil
waajibaadkeedu yahay midaynta iyo maamulka taakulada ku wajahan goboladaas.
hadaba, si looga midha dhaliyo looguna maamulo qaabka ugu haboon loogana fogaado
jaataa rogan iyo is bar bar yaac waxa dhamaan taakulada lagu uruurinayaa Guddida
Taakulaynta Qaranka JSL.
waxa Gobol walba laga dhisayaa guddi taakulayn ah oo heer gobol ah una xilsaaran
ururinta tabarucaasi.
cid kasta oo ugu deeqda taakulo sanduuqa taakulaynta ee gobolada bari waxa la
siinayaa cadayn ay ku faah faahsantahay tirada iyo nooca taakulada laga gudoomay
wixii lacag ah ee cadaan ah Kaash waxa loo furay xisaabaadka xisaabaha soo socda.
1.Baanka dhexe ee somaliland 404 Somaliland Shillin
2.Baanka dhexe ee somaliland 112 Lacagta adag
3.Dahabshiil Account D10160 (Guddida Taakulaynta Qaranka)Muwaadiniinta somaliland ee
Jaaliyadaha Dibadu waxay Tabaracooda ku shubi karaan xisaabta dahabshiil ee kor ku
xusan waxaanay kala soo xidhiidhi karaan
1. Mudane Abshir Axmed Xasan Wasiirka Dib u dajinta
2. Mudane Maxamed Cali Xirsi Xubin golaha wakiilada ah
Guddidu waxay muwaadiniinta somaliland ku boorinayaan in ay si muwaadinimo ah,
xilkasnimo leh uga qayb qaataan hawshaa qaran iyo dhibaatooyinka, dhib u dhaca soo
food saaray gobolada bari, taasoo aan uga baryayno ilaahay in uu if iyo aakhiraba
ka abaal mariyo tabarucoodaasi".
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasin maanta shaaciyey liiska Magacyada Guddida Qaran ee ka hawl-gelidoonta gurmadka iyo baahiyaha ka soo kordhay Gobolka Sool,Sanaag Bari iyo Buuhoodle.
Guddidaas oo ka kooban 11 xubnood oo ay soo magacaabeen Sadexda Xisbi Qaran, labada Gole Barlmaan [Guurtida Wakiillada] iyo Xukuummada,waxaana Guddoomiye u noqon-doona Madaxweyne Ku-xigeenka.
Sida waxa lagu sheegay Waraxafadeed uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Ku-xigeenku oo nuqul ka mid ahi Caawa soo gaadhay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa.
Waxaanu u dhignaa sidan:-
“Xubnaha Guddida Qaran ee Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle tix-raac Warqad tirsigeedu yahay JSL/M/MX 241 / 3/473, 30/10/2007, kana soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, kuna saabsan Magacaabid guddi qaran oo ka hawlgasha gurmadka iyo baahiyaha ka soo kordhay Gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle.
Waxaan idinku war-gelinayaa inay guddida Qaran ka koobnaandoonto Masuuliyiinta Warqadan sida tooska ugu socoto oo ah Xubnihii ay soo Magacaabeen Sadexda Xisbi Qaran,Guurtida,Wakiillada iyo Xukuummada,Gudoomiye-na u yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Kulanka ugu horeeyaana waxa uu qabsoomidoona Maalinta Axda ee ay Bishu tahay 11/11/2007 10:00 subaxnimo Madaxtooyada JSL.”
Sidoo kale waxa War-saxaadeedkan lagu war-geliyey Xildhibaan Xasan Cabdi Xabad inuu o noqon doono Xog-hayn iyo Xisaabiye Guddida
Waxaanay Xubnaha Guddidu kala ahaayeen sidan
1. Cali Maxamed Warancadde………………Wasiirka Duulista iyo Hawada.
2. Abshir Axmed Xasan………………………..Wasiirka Dib-u-dejinta
3 Axmed Xasan Cali [Casoowe]………………..Wasiirka Cadaalada
4. C/xakiin Garaad……………………………. W./ ku-xigeenka Dib-u-dejinta
5. Cabdisalaan Maxamed Siciid………………...[Xil. Guurtida]
6.Maxamed Cismaan Libaaxo……………………[Xil. Guurtida]
7. Xamse Maxamed Gaada-weyne [Xil. Wakiillada]
8. Maxamed Cali Xirsi…………………………..[Xil.Wakiillada]
9 Md. Maxamed Ibraahim Rijaal [Saajin]……….Xisbiga UDUB
10. Md. Axmed Aadan Cali Goodir……………...Xisbiga KULMIYE.
11. Md. Aadan Maxamed Mirre [Waqaf]…………Xisbiga UCID.